65 Muhaajiriin Afrikaan oo la socotay dooni ka soo shiraacatay Xeebaha dalka Liibiya ayaa la badbaadiyey, xilli ay doonidooda dul sabaynaysay Xeebaha dalka Tunisia.
Madaxa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Tunisia, Mustafa C/Kabiir oo la hadlay Shabakadda Wararka Bannet.net ee dalkaasi waxa uu tilmaamay inay 65 Muhaajiriin aan Nidaamsanayn laga soo badbaadiyey Badda Gobalka Bishan July 1-dii oo ku beegnayd maalintii Isniintii ee la soo dhaafay, isla markaana loo gubiyey magaalladda Dekedda leh ee Safaaqis oo 270-KM dhanka K/bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tunis.
Waxa uu intaasi ku daray inay Muhaajiriintaasi ka muuqatay diif , fuuq-bax iyo gaajo daran, isla markaana ay sheegeen inay doonidooda mudddo dhowr maalmood dul sabaynaysay meel ku dhow Xeebaha dalkaasi.kadib, markii ay cilladi la soo gudboonaatay.
Mar uu ka hadlayey dalalka ay ka soo jeedaan Muhaajiriintaasi waxa uu tilmaamay inay u kala dhasheen dalalka Somalia, Sudan iyo Eritrea, iyadoo 7 ka mid ah Muhaajiriinta la dhigay Isbitaalka, kadib, markii ay la soo gudboonaatay xaallad caafimaad-darro oo ka dhalatay muddada dheer ee ay badda ku soo jireen.