Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta oo Axad ah soo saaray xeer Madaxweyne oo ku shaaciyay waqtiga rasmiga isugu imaan doonaan Golaha Wakiillada Cusub Somaliland.
Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-
Xeer Madaxweyne Lr. 13/082021
Isugu yeerida Golaha Wakiillada Cusub
Markaan Arkay: Qodobka 44aad, Faqradiisa 1aad ee Dastuurka Somaliland oo tilmaamaya in Madaxweynaha Somaliland isugu yeero Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub;
Markaan Arkay:Â Qaraarka Maxkamadda Sare ee summaddiisu tahay MS/GDD/28/2021, kuna taariikhaysan 07/07/2021, ujeeddadiisuna tahay Ansixinta Natiijada Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland;
Markaan Tix-geliyey:Â Â Muhiimadda uu leeyahay fadhiga ugu horreeya ee Mudanayaasha Golaha Wakiilladu, si ay u maraan dhaarta Dastuuriga ah, isla markaana iskaga dhex-doortaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, si waafaqsan Faqradda 3aad ee Qodobka 44aad ee Dastuurka Somaliland;
Waxaan Go’aamiyey;
In Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta talaada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.