Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in laba Duqeyn oo is-xigay ay ka dhaceen inta u dhaxeysa deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara oo ka tirsan ee koonfurta Gobolka Mudug.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in labada Duqeyn oo kala dhacay 10:22 Am iyo 11:01 Am, ay burburiyeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku taalla deegaanka Qaycad.
Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa intaas waxaa ay kusii dartay in aysan jirin wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo rayidka kasoo gaaray weerarkii duqeynta ee diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen Gobolka.
Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug oo ku sugan Qaycad iyo Bacaadweyne ayaa sheegay laba gantaal lagu dhuftay deegaanka Qaycad oo Al-shabaab ay fariisimo ku lahaayeen, isla markana ciidamada Galmudug ay u suurta-gali waysay inay gudaha ugalan deegaanka.
Duqaynta maanta ayaa noqonaysa tii saddexaad oo deegaanada koonfurta Mudug ka dhacda saddex toddobaad gudahood, Labadii duqeyn ee horey ayaa waxaa fuliyey Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africom, hase yeeshee weli lama shaacin cidda fulisay duqeymaha maanta.