200- xubin ee ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga ZANU PF waxay maanta xilkii Guddoomiyaha Xisbigaasi ka qaadeen Madaxweyne Robert Mugabe.
Waxay kaloo Xaaska Mugaabe ka qaadeen xilkii Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga ZANU PF.
Boqolaal ka tirsan Xisbiga ZANU PF ayaana ka soo qeyb galay Kulankaasi, waxayna Hoggaamiye KMGÂ u doorteen Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee dalkaasi, Â Emmerson Mnangagwa, kaasi oo 2 isbuuc ka hor laga qaaday xilka Ku-xigeenka Madaxweyne Mugabe.
Dhinaca kale, Xildhibaanadda Barlamaanka dalkaasi ayaa la filayaa inay maalinta Talaadada ee soo socota Xilka Kalsoonida kala laabtaan Madaxweyne Mugabe, haddii uusan ilaa berri is-casilin..
Ilo ku dhow Saraakiisha Milliteriga waxay sheegeen inuu Madaxweyne Mugabe ka biyo diidsan yahay inuu Xilka ka dego, wuxuuna sheegay inay Sharci-darro tahay in laga qaado Xilka Madaxweynaha.
Mugabe oo Xabsi Guri ku jira waxa kale oo uu sheegay inuu Xilka sii hayn doono ilaa uu ka dhamaysanayo Xilli-hawleedkiisia sannadka soo socdo.
Doorashadda Madaxtinimadda ee dalkaasi ayaa la qorsheynayaa inay dhacdo bisha August ee sannadka soo socda ee 2018-ka.