Madaxweyne C/Fataax Al-sisi waxa uu markii labaad muddo dhowr maalmood gudaheed digniin u jeediyey Dowladda Ethiopia oo ku aadan Biyo-qeybsiga Webiga Niil.
Madaxweyne Al-sisi o oxalay ka hadlay Telefishinka dalkiisa ayaa sheegay inay xaqiijinayaan sidii ay Reer Masar ku heli lahaayeen Biyaha Webiga.
Waxa uu intaasi ku daray inuu fahamsan yahay Hadafka Horumarinta ee ka dambeeyey Biyo-xireenka weyn ee Ethiopa (The Ethiopian Grand Renaissance Dam (GERD).
Madaxweynaha Masar waxa kaloo sheegay inuu Kiiskaasi nolol iyo geeri ku yahay Masar, isagoo si cad u yiri: “ Ma jirto qof taaban kara saamiga Masar ee Biyaha Webiga Niilâ€.
Dowladda Masar ayaa ka soo horjeeda inay Dowladda Ethiopia jarto saamiga Biyaha Webiga ee ay Masar ka helaan Webiga Niil, iyadoo Ethiopia dhisayso Biy-xireenka ugu weyn ee Korantadda laga dhaliyo oo ku yaalla Qaaradda Afrika.
Dowladda Masar waxay toddobaadkii hore sheegtay in lagu guul-daraystay Kulan ay Dowladaha Masar, Sudan iyo Ethiopia ku doonayeen in lagu xaqiijiyo inuusan Biyo-xireenkaasi dhibaato u keeni doonin Masar iyo Sudan.