Golaha Wakiilada Maamulk  Puntland oo wali ku jira Kal-Fadhigii 40,aad ayaa manta waxa ay Magaalada Garoowe ku ansaxiyeen Xeerka la dagaalanka Daabulka iyo ka ganacsiga dadka.
Xeerkan oo horay loogu gudbiyey Baarlamanka ayaa maray Akhrin iyo ka doodis kadibna maanta ayaa si rasmi ah loogu Ansaxiyey Fadhigii Baarlamaanka.
Gudoomiyaha Gudiga Shuruucda ee golaha Wakiilada Puntlnd Axmed Jaamac Cabdule oo ugu horayn ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey xeerkan ay Ansaxiyeen.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xassan oo Goobjoog ka ahaa Ansaxiinta Xeerkan ayaa ka jawaabay su,aalo ay ka waydiiyeen golaha wakiilada.
Hoos Ka Dhgeyso Codka Kulanka Golaha Wakiilada.