Murashixiinta iyo Xildhibaanadda oo ku sii qulqulaya Hoolka Doorashadda ee Afisiyooni.

Sida ay ku soo waramayaan Weriyayaasheena ku sugan Hoolka Doorashadda Madaxtinimadda waxaa safaf dheer ku jira Xildhibaanadda iyo Murashixiinta, si loogu sameeyo Baaritaan, ka hor intaysan gudaha u gelin Hoolka.

Ciiddanka wax baarayo ayaa adeegsanayo Qalab casri ah, iyo xubin kasta la baarayo, lagana reebayo waxyaabaha Eleektroonikadda ah, sida Mobayladda, Laptop-yadda iyo Kaamerooyinka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda BFS oo la hadlay Radio Dalsan ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin in la marsiiyo Baaritaan dhinaca Ammaanka, halka kuwo kalena sheegeen inuu Baaritaankaas oo kale wax u dhimayo Xasaanadda Khaaska ee ay Xildhibaanadda leeyihiin.

Dhinaca kale, Weriyayaasheenna ayaa soo sheegay inay Wafuud Caalami ah goobjoog ka noqon doonaan Nidaamka Cod-bixinta ee ay Doorashadda.

Lama oga xilliga rasmiga ee ay Doorashaddu bilaabanayso, waxayna u badan tahay inay Cod-bixinta bilaabanto Salaadda Duhur kadib.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media