DEG DEG:- Doorashada Madaxweynaha oo ka Bilaabatay Afisiyooni.

Doorashada ayaa ka bilaatay xarunta ciiddamada cirka Afisiyooni ee  magaalada Muqdisho waxaana, Codkooda dhiibanaya 328 Xildhibaan oo ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka aqalka hoose iyo aqalka sare oo ucadeynaya 21-tan musharax oo utaagan qabashada xilka madaxweynaha.

Dhamaan musharaxiinta ayaa fadhiya hoolka doorashada oo uu midkastaa rajo ka qabo guusha madaxtinimo ee dalka, waxaana  musharax kastaa uu ku tashanayaa codka xildhibaanada labada Gole ee dooranaya madaxweynaha Cusub.

Sidookale Madasha doorashada waxaa ku sugan korjoogte caalami ah oo dusha kala socon doona qaabka ay udhaceyso doorashada madaxweynaha iyagoo eegi doono inta badan marxalada doorashada iyo sida ay udhacdo.

Doorashada ayaa lifalaya in la’isla la gaaro ilaa Seddex wareeg si lookala saaro musharaxiinta tarmaya ee doonaya inay hantaan kursiga madaxtinimo ee dalka islamarkaana ugu danbeyn sidaasi lagu doorto madaxweynaha cusub ee imaan Doona.

Waxkastaa oo ku saabsan Doorashada madaxweynaha waxaad ka heli kartaan Boggeenaan WWW.radiodalsan.com  adoo toos uga daawan kara Codeenta Doorashada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media