Muqdisho: Askari toogasho ku dilay Xaaskiisa.

Askari magaciisa lagu sheegay Maxamed Baniin Ibraahim, kana hawl-gala Saldhigga Boliska ee Degmadda Waaberi ayaa waxa uu dilay Xaaskiisa, sida laga soo xigtay Saraakiisha Saldhigaasi  iyo Goobjoogayaal kale.

Askariga ayaa la sheegay inuu Xaaskiisa ka toogtay Laabta, kadib, markii uu soo kala dhex galay muran loo maleeyo inuu ku salaysnaa Khilaaf dhinaca Qoyska.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay Marxuumadda oo la oran jirey Iftin Cismaan Yuusuf ku naf baxday halkii lagu toogtay.

Qaar ka mid ah Ciiddanka Saldhigga Waaberi ayaa sheegay inuu maalmahan jiray Khilaaf u dhexeeya Qoyskaasi, balse aysan garan karin waxa keenay toogashadaasi.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegay in la xiray, loona gudbin doono Maxkamadaha ku shaqada leh, mana aha markii ugu horreysay oo uu Askari toogto Xaaskii u dhixi jirtey.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media