DW: Alshabaab oo Kaalinta 3-aad kaga jirta Kooxaha Islaamiyiinta Caalamka.

Idaacadda Caalamiga ee dalka Jarmalka (Deutsche Welle) oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano (DW) waxay baahisay Qiimayn lagu sameeyey Awoodaha Kooxaha Hubeysan ee Islaamiyiinta iyo sida ay Hoggaamiyayaasha Caalamka cabsida ugu muujiyeen Awoodahaasi.

Warbixinta oo lagu soo daabacay Bogga Wararka ee Warbaahinta Deutsche Welle ayaa waxay Qiimeyntooda ku soo bandhigeen 7 ka mid ah Ururadda Islaamiga ee Hubeysan, kuwaasi oo kala ah:

  1. Kooxda Daacish ee uu hoggaamiyo Abu Bkaar Al-baqdaad ayaa la sheegay inay tahay Kooxda ugu awoodda badan Kooxaha Islaamiyiinta Hubeysan. Kooxdaasi oo la asaasay sannadkii 2014-kii ayaa waxay ku xooggan yihiin dalal ay ka mid yihiin Iraq iyo Syria.Syrien Krieg - Rebellen mit IS-Flagge in Aleppo (Reuters/K. Ashawi)
  2. Kooxda Islaamiga ee Abu Sayaaf ee ka dagaalanta gudaha dalka Filibiin. Kooxdan waxaa la asaasay sannadkii 1991-kii, waxayna u dagaalamaan sidii ay Maamul-gobaleed baahsan ugu heli lahaayeen Muslimiinta looga tiro badan yahay dalka Filibiin., kuwaasi oo ku nool Jesiiradaha Mindanao, Basilan, Tawi-tawi iyo kuwo kale. Kooxda Abu Sayaaf waxaa la rumeysan yahay inay leeyihiin 200 ilaa 300 Dagaalyahan. Waxaa la sheegaa inay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish.Somalia Al-Shabaab Miliz (Symbolbild) (Stringer/AFP/Getty Images)
  3. Xarakadda Alshabaab Mujaahidiin ayaa lagu tilmaamay inay ku jirto Kaalint 3-aad, waxaana la asaasay sannadkii 2006-dii, iyadoo Hawlgallo dagaal la galay Ciiddankii Ethiopia ee soo galay Somalia sannadkjii 2007-dii, iyo dagaalladda weli socda ee ay la galaan Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka. Warbaahinta Caalamiga ee dalka Jarmalka (Deutsche Welle) waxay sheegtay in loo malaynayo inay Alshabaab haystaan Dagaalyahano tiradoodu u dhexeyso 7,000 ilaa 9,000 oo Ciiddan.

Dhinaca kale, Warbixinta oo lagu soo daabacay Bogga Wararka ee Warbaahinta Deutsche Welle waxaa kaloo lagu sheegay in Kooxaha kale ee Awoodda Ciiddan leh ka mid yihiin  Tehrik-e Taliban oo ka dagaalanta dalka Pakistan, Tahrir al-Sham  oo horey loogu yaqaanay Jabhadda Al-Nusra Front) oo ka dagaalanta dalka Syria, Kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria iyo Kooxda Xisbullaahi Lubnaan oo ka dagaalanta Koonfurta dalka Lubnaan, miisaanna ku leh Talada dalkaasi.Pakistan Islamischer Staat Führer Hafiz Saeed (picture-alliance/dpa/TTP)

Syrien Flaggen Symbolbild Waffenstillstand Syrische Armee und Hisbollah (picture-alliance/AP Photo/H. Malla)

Xigasho: DW

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media