Mucaaradka Somaliland oo Go’aan ka qaatay qorshe uu wado Madaxweyne Biixi

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID  Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka Maamulkaas iyo qorshaha Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku doonayo in doorashada ururada laga soo horaysiiyo tan madaxtooyada.

Faysal Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in mucaaradka Somaliland aysan ka qeyb geli doonin doorasho aan aheyn ta madaxtooyada, ayna diidan yihiin damaca Muuse Biixi kusoo hormarinayo doorashada Madaxtooyada.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uusan diyaar u aheyn doorasho, isla markaana waxa uu wado aanu sharci aheyn,

“Labada xisbi mucaarad iyo taageerayaashoodu go’aan ayay soo saareen ay leeyihiin doorasho aan ta madaxtooyada ahayn gali mayno” ayuu yiri Faysal oo intaas kusii daray in muddo kordhinta loo sameeyay madaxweyne Biixi anay ahayn mid sharci ku dhisan,

Gaba-gabadii Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha Maamulka Somaliland ka codsaday in uu la kulmo si ay iskula eegaan sharciga doorashada ee uu muranku ka taaganyahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor