Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka u jooga Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay inay bishan January 7-dii weerar duqeyn ah ka geysteen fariisin ay Alshabaab ku leeyihiin meel ku dhow Buulo-gaduud ee Gobalka J/Hoose.
Milliteriga Maraykanka waxay sheegeen in duqeyntaasi ahayd mid Is-difaac, si aysan Dagaalamayaasha Alshabaab u carqaladeynin Hawlgalka ka socda qeybo ka mid ah Gobalka J/hoose.
Waxay kaloo sheegeen inaysan jirin Dagaalyahano Alshabaab oo lagu dilay duqeyntaasi ka dhacday Buulo-gaduud.
AFRICOM, waxay kaloo ka hadleen Hawlgalladii Milliteri ee ay sannadkii hore ka fuliyeen Somalia, waxayna sheegeen inay qaadeen 9 weeraro duqeyn ah oo ay isku difaacayeen.
Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ayaa horey u shaacisay inay Hawlgalladda ay ka fuliyeen ka mid yihiin duqeynmo ka kala dhacday qeybo ka mid ah Goballadda Sh/hoose, J/Hoose iyo duleedka Gaalkacyo.
Dhinaca kale, La-taliyayaasha Milliteriga ee Maraykanka ayaa la sheegay inay ka qeyb galeen Hawlgal Carbis ahaa oo ay si wadajir u sameeyeen Ciiddan Somali ah iyo kuwo ka socday Hawlgalka AMISOM.
©Radio Dalsan