Hadal-qoraal oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in dadka Maraykanka laga mamnuucay inay u socdaalaan Somalia iyo inay ku baraarugaan cabsida Afduubka ee ka jirta guud ahaan qeybaha Somalia, oo ay ku jiraan Somaliland iyo Puntland.
Warkan oo lagu soo daabacay Websaytka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa waxaa kaloo Muwaadiniinta Maraykanka looga digay inay ku safraan meelaha ku dhow Xeebaha Somalia, iyadoo laga cabsi qabo khatarta weeraradda Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.
Digniintan cusub ee ay Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka soo saartay ayaa la sheegay in lagu bedelay Digniintii dhinaca Socdaalka ee horey loo soo saaray bishii May 24-dii ee sannadkii hore ee 2016-kii.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Maraykanka wax safaarad ah haatan kuma laha gudaha Somalia, iyadoo Danjiraha Maraykanka u soo dirtay Somalia fadhigiisu dhexe ku yaalla Safaraadda Maraykanka ku leedahay caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Xigasho: travel.state.gov
©Radio Dalsan