Sarkaal sare oo ka tirsan XAMAAS oo lagu dilay Marinka Qasa..

Boliska  XAMAAS ayaa sheegay in Maasin Fuqaha lagu toogtay meel ku dhow Gurigiisa oo ku yaalla Marinka Qasa, waxaana lagu eedeeyey Yuhuudda inay ka dambeeyeen dilkiisa oo loo adeegsaday bistooladaha aan shanqarta lahayn.

Maasin  Fuqaha oo 38 jir ahaa waxa uu ka mid ahaa in ka badan 1,000 Maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay Yuhuudda sii daayeen sannadkii 2011-kii, kuwaasi oo ay Yuhuudda ku bedelatay Askari ay XAMAAAS hayeen ee Gilaad Shaliid.

Ku-xigeenka Hoggaamiyaha XAMAAS ee Marunka Qasa, Khaliil Al-xaya ayaa sheegay inay Yuhuudda ka shalayn doonaan dilka Maasin Fuqaha

Dhinaca kale, Afhayeenad u hadashay Boliska Yuhuuda ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho dilka Marxumkaasi.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa la filayaa inay maanta ka qeyb galaan Munaasabadda lagu aasayo Sarkaalkaasi lagu dilay Marinka Qasa.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media