Hadal ka soo baxay Milliteriga dalkaasi ayaa lagu sheegay inay unugyo ka tirsan Ciiddanka Khaaska gudaha u galeen Degmadda Qaraqosh oo qiyaastii 20-KM dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Mosul.
Maalmo la hor ayey ahayd markii ay Ciiddanka Khaaska qabsadeen Tuulladda Bartella.
Xafiiska Warbaahinta Milliteriga Iraq ayaa sheegay in qiyaastii 50 Tuullo laga qabsaday Kooxda Daacish tan iyo markii uu Hawlgalkaasi bilowday Todoobaadkii hore.
Dhinaca kale, Xoghayaha Difaaca ee dalka Maraykanka, Ash Carter ayaa booqasho ku tegay Caasimadda dalka Iraq ee Baqdaad, si uu ula kulmo Ra’isul-wasaare Xaydar Al-abaadi.
Socdaalkiisa ayaa ku soo beegmay iyadoo Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciiddanka Badda Maraykanka, lana oran jirey Jason Finan Khamiistii la soo dhaafay lagu dilay qarax miino oo ka dhacay Waqooyiga Iraq.
Shan kun Askari oo Maraykan ah ayaa ku sugan dalka Iraq, iyado o100 ka mid ah ay ku jiraan dagaalka la doonayo in Kooxda Daacish looga saaro magaalladda Mosul.
©Radio Dalsan