Milkiilaha iska leh Hoteelka galabta la weeraray Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa warkasoo saaray qaraxyada iyo weerarka isbada socday ee Hoteelkiisa lagu qaaday.
Waxaa uu u tacsiyeeyay dhammaan umadda Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay weerarkaas, waxaana uu sheegay in uu ku sugnaa hoteelka marka weerarku dhacayay.
“Dhammaan allah ha un naxariisto inti ku dhimatay weerarki galabta ay dagaalamayaasha Al-shabaab ku soo qaadeen shacab soomaaliyeed gaar ahaan Hotel Elite oo aan xilligaas ku sugnaa inta dhaawaca ahna allah bogsiiyo, waana caafimaad dhamaan ehel iyo asaxaaba” ayuu yiri Milkiilaha Hoteel Elite Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Qaraxii galabta ka dhacay aga-gaarka xeebta Liido ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la sheegay in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 15 ruux halka dhaawacuna uu kor u dhaafay 30 ruux.