Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa u tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday qarax galabta lagu weeraray Hoteel Elite oo ku yaalla Xeebta Liido ee degmada Cabdi Casiis ee Gobalkani Banaadir.
Waxaa uu sheegay in hay’adaha ammaanka ay ku guuldarraysteen sugidda amniga Caasimadda, NISA ayuu sheegay in ay tahay Hay’ad fashilantay.
“Waxaan si xooggan u canbaaraynayaa weerarka ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Elite. Allaha u naxariisto dadkii ku nafwaayey, Allahana caafiyo intii ku dhaawacantay. Maalmahan danbe weerarrada iyo qaraxyada aAl-shabaab way sii kordhayaan. Way cadahay fashilka hay’adda NISA iyo xil gudasho la’aanta taliska hay’adda. Haddaba, waxaan ka dalbaneynaa Madaxweynaha in uu dib u habeyn dhinaca hoggaanka ah ku sameeyo NISA, danta shacabka ka hormariyo danta saaxibtinnimo ee kala dhaxaysa taliyaha NISA” ayuu yiri CC Shakuur.
Qaraxii galabta ka dhacay aga-gaarka xeebta Liido ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la sheegay in ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 15 ruux halka dhaawacuna uu kor u dhaafay 30 ruux.