Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Flilish) ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud Waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.
Cumar Filish ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyay Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Cali Ciid, Duqa Dhuusamareeb Geeda-Qoroow iyo masuuliyiin kale, waxaana uu ka qayb gali doonaa duqa muqdisho shirka la filayo in uu ka furmo Dhuusamareeb.
Shirka ayaa la filayaa in uu furmo waxaana wali ka maqan qaar ka mid ah maamul Goboleedyada, iyadoo ay xusid mudan tahay in Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan Dhuusamreeb iyo sidoo kale qar ka mid ah Madaxda maamul Gobleedyada dalka.