Midowga shaqaale Dal oo baajiyay shaqo joojintii ay ku dhawaaqeen

Midowga ururrada shaqaalaha Nigeria ayaa baajiyay shaqo joojintii ay ku ballameen maanta, sida uu bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay Wasiirka Shaqaalaha dalkaas Festus Keyamo.

Arrintan ayaa ka dambeysay wada hadallo ay xalay yeesheen dowladda iyo midowga shaqaalaha.

Shaqo joojintan ayaa looga soo horjeeday qiimaha korontada iyo shidaalka oo kor u kacay, iyo sicir bararka guud ahaan dalkaasi ka jira, sida uu ku warramayo weriyaha BBC-da Ishaq Khalid.

Dowladda ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin lagu horumarinayo dhaqaalaha dalkaasi oo ay saameyn ku yeesheen qiimaha shidaalka ee dunida oo hoos u dhacay sababo la xiriira xanuunka coronavirus.

Wasiirka ayaa sheegay in wax laga qabanayo cabashada ururrada shaqaalaha, isla markaana loo saaray guddi xalliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media