Nin kufsaday laba Dumar ah oo mid 85-sano jir tahay oo lagu qabtay Afgooye

Wararka Idaacadda Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay halkaas uu ka dhacay fal kufsi ah oo loo geystay laba Haweeney ah oo mid waayel ay tahay.

Hal Nin ayaa la sheegay inuu kufsaday labadaas Haween oo mid da’deedu tahay 85 sanno jir, waxaana ninkaas markii uu sameeyay falka, kadib si deg deg ah uu goobta uga baxsaday.

Ciidanka amniga Maamulka degmada Afgooye ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, iyagoona sameeyay howlgalo kala duwan oo lagu raadinayo ninkaas, waxaana markii dambe ay ku guuleysteen inay gacanta kusoo dhigaan ninka.

Intaas kadib Ninka ayaa waxaa Maanta oo Isniin ah la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana Maxkamadda ay amartay in loo wareejiyo dhinaca Magaalada Muqdisho, si sharciga loo horgeeyo.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Haweeneyda da’da ah xaaladeeda Caafimaad laga deyrinyo, isla markaana laga dhigay Xarun Caafimaad oo ku taalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Falkaan ka dhacay Afgooye ayaa waxaa uu soo aadayaa, iyadoo horaantii bishaan September fal isugu jiray kufsi iyo dil Muqdisho loogu geystay Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, kadibna laga soo tuuray dabaq dheer, waxaana dhacadaas loo qabtay 12 ruux.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media