Afhayeenka Madaxa Siyaasadda Dibedda ee Midowga Europe “EU”-da ayaa sheegay inay cambaaraynayaan weerarkaasi oo uu ku tilmaamay mid wax u dhimayo Deganaanshaha iyo Nabadda Somalia.
Afhayeenka waxa uu xusay inay Somalia ka soo kabanayso colaado Tobanaan sanno socday, isla markaana haatan la gaaray Daqiiqadii Rajadda Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray in lagu tallaabo weyn Xilliga Kala-guurka Siyaasadda Somalia, taasi oo horseedi doonta Deganaanshaha iyo Horumarka oo sii kordha.
Afhayeenka Madaxa Siyaasadda Dibedda ee Midowga Europe “EU”-da waxa uu tilmaamay inay sii kordhinayaan Taageeradda ay siiyaan Hay’addaha Ammaanka Somalia iyo sidii ay dadka Soomaalida ee caadiga u heli lahaayeen Nolol deggan oo aan qarax iyo colaad lahayn.
©Radio Dalsan