Goobo Gancsi oo ku yaalla Gaalkacyo oo saakay xiran + sababta

Waxaa saakay gabi ahaan xiray goobaha Ganacsiga gaar ahaan Xarumaha Carwooyinka Ganacsiga ee Elektarooniga, dharka iyo Kabaha ee u yaalla Magaalada Gaalkacyo e Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland.

Sababta ay u xiran yihiin goobaha Ganacsiga Gaalkacyo ayaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland ay Ganacsatada kusoo rogtay Canshuur dheeraad ah.

Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa sheegay in aysan awood u laheyn lacagta lasoo rogay oo aan kujirin Miisaaniyadda la ansixiyey ee sharciga aheyd, waxayna qaarkood sheegeen in dad gaar ah ay lacagtan qaadanayaan, waa sida hadalka ay u dhigeen.

Sawirro laga soo qaaday goobaha ganacsiga xiran ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa muujinaya in gabi ahaan xiran yihiin Xarumaha Carwooyinka Ganacsiga ee Elektarooniga, dharka iyo Kabaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media