Shirka DFS, MG iyo G/Banaadir oo maalintii 2-aad galay iyo doodo socda

Xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa maalintii labaad ka socda Shirka Wadatashiga ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkaan mid xasaasi ah ayaa looga hadlayaa hanaanka doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan dhammaandka sanadkaan 2020/2021, isla markaana waxaa uu shirkaas saldhig u yahay heshiiskii Dhuusamareeb-3.

Sidoo kale warar hordhac ah ayaa sheegaya in dooduhu adag yihiin oo siweyn Madaxda uga hadlayaan qodobada shirkii Dhuusamareeb3 oo ay ka maqnaayeen Jubbaland iyo Puntland, waxaana la sheegayaa inay suuragal tahay in markale doorasho guud doodii aheyd lasoo celiyo.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Farmaajo shir gaar la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha G/Banaaadir, kuwaas oo ku saabsanaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan talada dalka.

Ilaa maalmaha soo socda ayay socon doonaan wada xaajoodyadan sida ay sheegayaan Ilo-wareedyo, waxaana la filayaa in ugu dambeyn la helo isku raac doorasho oo ay isku waafaqsan yihiin Madaxda haatan uu shirka u socdo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media