Maamulka Galmudug ayaa soo saaray Go’aan looga hortegayo Cudurka halista ah ee COVID-19 oo kiisas farabadan laga helay Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaano kale oo ka tirsan Maamulkaas.
Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa amar ku bixisay in la xiro goobaha Waxbarashada laga bilaabo Maanta oo bishan Maaro tahay 10, kuna egtay 18-ka bishaan, si looga hortego faafida Cudurka.
Maamulka ayaa sidoo kale bulshada ku dhaqan deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug ugu baaqay inay joojiyaan isku imaatinka, isla markaana laga fogaado sababta kasta oo keeni karta inuu faafo xanuunka Soomaaliya kusoo laba kacleeyay ee COVID-19.
Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa shalay shaacisay in qofkii ugu horeeyay uu Magaalada Dhuusamareeb ugu dhintay COVID-19, waxaana saacadihii lasoo dhaafay laga diiwaan-geliyay halkaas 24 qof oo 7 kamid ah yihiin shaqaalaha Wasaaradda.
Cudurka halista ee COVID-19 ayaa si darran ugu soo laba kacleeyay gudaha SOomaaliya, isla markaana waxaa la diiwaan-geliyay kumamaam kiis, iyadoona ay ku jiraan boqolaal qof oo Cudurka ugu geeriyooday dalka.