Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa xalay Xaafada Sarkuusta waxa ay ku dileen Nin horjooge  ka ahaa kaam halkaasi ku yaalla oo ay deganayeen dad barakacayaal ah.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Dhalinyarado Bustoolado watay ay dilkaasi geysteen isla markaana ay goobta ka baxsadeen.
Ninkaan la dilay ayaa sidoo kale ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya sida aan Wararka ku helnay.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa saakay tegay Goobtii uu xalay dilka ka dhacay kuwaas oo haatan wada howlgal baaritaano ah wallow weli aysan jirin cid loo soo qabtay dilkaas.
Horay ayaa Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya waxaa loogu dilay qaar ka mid ahaa Ergadii  Xildhibaanada ku soo doortay Gobolada dalka Soomaaliya.