Qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska ayaa waxaa lagu sifeeyey Go’aankii DFS ku cayrisay Nicholas Hansom inuu ahaa go’aan hal-dhinac oo keliya gaaray, waa sida hadalka loo dhigay.
Qoraalka waxaa lagu muujiyey inay Dowladda Fraansiiska taageero buuxda u hayaan Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Nicholas Hansom, isla markaana uu yahay Mas’uul xushmad loo hayo, kuna guuleystay dadaalkiisa ku aadan Nabadda, xilka uu ka hayo QM iyo tan dalka uu ka soo jeedoa ee South Afrika, waa sida hadalka loo dhigay.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska waxay kaloo qoraalkooda ku xaqiijiyeen inay taageero buuxda u hayaan Hay’addaha QM iyo kuwa ay wada-shaqeynta leeyihiin ee ku sugan gudaha Somalia, kuwaasi oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo Midowga Afrika, kuwaasi oo kaalin muuqata ka qaata sidii Deganaansho loogu soo dabaali lahaa Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Faransiiska oo xubin ka ah 5-ta waddan ee joogtada ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa u muuqata inay si cad uga hor yimaadeen Go’aankii DFS, inkastoo uu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres sheegay inay aqbaleen go’aankii DFS ku soo cayriyeen Ergayga Gaarka ee QM u joogay Somalia, Nicholas Hansom, kaasi oo xilkaasi hayey tan iyo bishii September ee sannadkii hore.