Taliye ku xigeenka saldhiga Burtinle Dhamme Maxamud Muuse Bile, oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in qof dhalinyara ah oo lagu magacaabayay Abdi Gurey Jamac meydkiisa laga halay degamada Burtinle oo ka tirsan Gobolka Nugaal ee Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sheegay, in marxuumka geeryooday uu ahaa qof maskaxda ka xanuunsanayay, xiligii uu Barkada biyaha laga cabo uu ku dhacayay, balse waxaa uu sheegay in ay baaritaano intaasi ka dheer ay kusii sameyn doonaan.
Ehelada marxuumka geeryooday, ayaa la sheegayaa in ay manta ku howlanyihiin sidii ay u aasi lahaayeen wiilkoodii ku geeryooday Baraakadda.
Maamulka Gobolka Sanaag ee Puntaland ayaa dhawaan waxaa lagu boorinayay in ay xoojiyaan wacyi-galinta deegaanadda miiga si looga fogaado waxyeeladda dadku ay gacmahooda ay ku geystaan