Waxaa saakay wadada Sodonka ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhexeeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea lagu arkay Meydka qof rag oo halkaas yaallay, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.
Goobjoogayaal goobta lagu arkay Meydka tegay oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qofkaas ay jirkiisa ka muuqdeen dhaawacyo halis ah, isla markaana dilkiisa loo adeegsaday toorey.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta lagu arkay Meydka, iyagoona halkaas ka qaaday, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in loo qaaday dhinaca Xarunta CID-da.
Weli lama oga cida ka dambeeysay dilka qofka meydkiisa lagu arkay wadada Sodonka ee Magaalada Muqdisho, hayeeshee waxaa socda baaritaano kala duwan oo lagu ogaanayo cida uu yahay qofkaas.