Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidamo

Faah faahino ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay Ciidanka Itoobiya ee qeybta ah howlgalka AMISOM iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo xalay ka dhacay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dagaalkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Al-shabaab ay weerar Culus ku qaadeen Saldhig Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Baardheere, waxaana halkaas ka dhacay dagaal muddo ku dhow saacad socday.

Dad ku sugan deegaanka ayaa ku warramay in xili goor dambe ah uu istaagay dagaalkii dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidanka Itoobiya, hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay, maadaama xili habeen ah ay aheyd.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladda saakay ay tahay mid degan, isla markaana Ciidanka Itoobiya iyo kuwa dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan ay wadaan howlgalo kala duwan.

Al-shabaab ayaa marar kala duwan weeraro geystay Khasaarooyin isugu jiraya dhimasho iyo dhaawac ku qaaday Saldhiyo ay leeyihiin Ciidanka Itoobiya, sidoo kalena labada dhinac ay dhexmareen dagaalo xoogan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media