Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa la filayaa in mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa dood ka yeelan doona sida la sheegay Ajendayaal horay loogu muransanaa oo kala ah Ansaxinta mudada uu ku dhacayo kaarka xubinnimo ee Baarlanaanka iyo hab-raaca fasaxyada Xildhibaanada oo isna horay buuq uga jiray.
Sidoo kale waxaa horey u baaqday saddex kulan oo ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Galmudug, kuwaasi oo u baaqay sababo la xiriira kooram la’aan, maadaama Xildhibaanada badankood kasoo hor jeesteen Gudoomiye Gacal oo bishii hore ku dhawaaqay ansaxinta xeer-hoosaad xubnaha baarlamaanku ku doodeen in laga been sheegay codeyntii baarlamaanka.
Xildhibaanada diidan qaabka uu wax u wado Gudoomiye Gacal ayaa guddi u diray Guddoomiyaha, si ay u dalbadaan in fadhiga Maanta loo ogolaado Saxaafada madaxa banaan.
Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal uu dalbaday in Maanta amniga Xarunta Baarlamaanka ee uu kulanka ka dhacaya lagu wareejiyo Ciidanka Booliska dowladda e Haramcad kuna sugan Dhuusamareeb.