Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kulan Deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha Ciidamada dowladda.
Kulankaas ayaa waxaa looga hadli doonaa inta uu socdo sugida amniga Magaalada Muqdisho, howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xoogga fuliyeen iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalka, Booliska, Asluubta, Agaasimaha NISA iyo kan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil kale, iyadoo kulanka uu ka dhici doono Xarunta Madaxtooyadda.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulanka sidoo kale ay kasoo qeyb gelin doonaan Wasiirada Wasaaradaha Xukuumaddii hore sida Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhigga.
Kulankan Deg-dega ah ee Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray Taliyeyaasha Ciidamada dowladda Federaalka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo maalmo kahor Xildhibaanada Golaha Shacabka ay kasloonidii kala noqdeen Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Xasan Cali Kheyre.