Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib socdaal uu dhowr maalmood ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweynaha oo ujeedka socdaalkiisa qeyb ka ahaa Ololihiisa Doorashadda, dardar-gelinta hawlaha doorashada, xaqiijinta qoondada dumarka ee labada aqal iyo in shacabku uu taageero hannaanka dowladnimo, ayaa intii uu Baydhabo joogay waxaa uu kulamo la yeeshay qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada, maamulka, ciidammada, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalinyarada.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federalka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa sheegay inuu booqan doono Caasimadaha Maamul-gobaleedyadda, si loo dardar geliyo Hawlaha Doorashooyinka.
©Radio Dalsan