Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Goboldda Cayn iyo Mudug ee Maamulka Puntland ayaa Maanta oo Arbaco ah xukun dil toogasho ah ku riday xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.
Xubnahaan oo gaaraya ilaa 5 Rag ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ay Maxkamadeyntooda ka socotay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ka tirsan Al-shabaab.
Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ee Goboldda Cayn iyo Mudug ayaa ku heshay dembi ah 5-ta ruux inay Al-shabaab u qaabilsanaayeen fulinta qaraxyada iyo dilal qorsheysan ee ka dhacay Gaalkacyo 13-kii sano ee dambeeyay, sida la sheegay.
Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Maanta soo gaba-geeysay dhageysiga kiiska loo heysto eedeysanayaashan ayaa waxaa ay ku riday xukun dil toogasho ah, waxaana sidaas Warbaahinta u sheegay Guddoomiyaga Maxkamadda.
Ugu dambeyn Maxkamadda xorriyadooda u celisay lix qof oo kale, kuwaas oo lagu waayay wax danbi ah, kadib markii horey looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab.