Duqa Muqdisho oo Digniin u diray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeer kadis ah ku tagay qaar kamid ah Waddooyinka Caasimadda dalka.

Ujeedka kormeer Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa uu ahaa mid uu ku doonayay inuu ugu kuur galo nadaafada waddooyinka Magaada Muqdisho oo qaarkood ay xireen biyaha roobabkii da’ay iyo qashin farabadan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in aan la aqbali doonin nadaafaddarida ka jirta qaar kamid ah waddooyinka ku yaalla Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa tilmaamay in Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka lagula xisaabtamayo bilicda degmadooyinka, Guddoomiye kasta laga rabo bilicda wadada.

Waddooyinka qaar ee Muqdisho ayaa waxaa yaalla biyaha roobabkii maalmo kahor ka da’ay Caasimadda iyo qashin farabadan, iyadoona kormeerka Maanta Cumar Filish ku tegay waddooyinka ay ku wehlinayeen qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor