Midowga Afrika oo War kasoo saaray weerarkii Israa’iil ee Masjidka Al-Aqsa

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ka fulisay marinka Qaza iyo ‘weerarka ay Israa’iil ku qaaday’ dad ku cibaadeysanayay masaajidka Al Aqsa.

Muusa Faki Mahamat wuxuu sheegay in howlagallada ciidamada Israa’iil iyo in dadka Falastiiniyiinta si qasab ah looga raro guryahooda ay kasoo horjeeddo xeerarka caalamiga.

“Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa cambaareynayaa duqeymaha laga geystay marinka Qaza oo ay ku dhinteen in ka badan 21 qof oo Falastiini ah iyo weerarka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen dadkii ku cibaadeysanayay masaajidka Al Aqsa oo ay ku dhaawacmeen dad gaarayo 300 xilliga bisha Ramadaan” ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Midowga Afrika.

Xamaas ayaa sheegtay inay gantaalo ku garaacday Tel Aviv iyo hareeraheeda si ay uga jawaab celiso “bartilmaameedsigii cadowga”

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay bartilmaameedsanayaan mintidiinta ku sugan Qaza iyaga oo ka jawaabaya weerarradii hore ee gantaalada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor