Booliska Galmudug oo ka hadlay Ninka lagu tuhmayo Kiiska Xamdi ee la qabtay

Taliska Booliska Galmudug ee Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa faah faahin ka bixiyay Nin lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kufsiga iyo dilkii Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax loogu geystay Muqdisho ee lagu qabtay Cadaado.

Taliyaha Booliiska Cadaado labo xidigle Cali Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga howlgal ay ka sameeyeen Cadaado lagu soo qabtay Maxamed Ibrahim Cismaan oo 24 jir ah oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kiiska Xamdi, isaga oo ka baxsaday Muqdisho.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in soo qabashada eedeysane Maxamed ay timid, kadib markii heleen xogta ku aadan kiiskii Marxuumad Xamdi, isla markaana ay howlgal guud ka fuliyeen Cadaado, iyagoona baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidka soo galayay Magaalada iyo kuwa kabayay.

Isaga oo sii hadlaayay labo xidigle Cali Maxamed Xasan ayaa waxaa uu Saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Booliska dowladda Federaalka uga mahadceliyay xogtii ay lasoo wadeen oo aheyd kiiska gabdha kufsiga iyo dilka loo geystay.

Ugu dambeyn Maxamed Ibraahim Cismaan oo ah Ninka la qabtay ayaa qirtay inuu qaab baxsad ah ku tegay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduug, isagoo Carabka ku dhuftay inuu ka yimid Magaalada Muqdisho.

Comments
Loading...