Maxkamada Militirigga oo Baydhabo Ku Toogatay Nin Kamid ah Kooxdii Weerartay Madaxtooyada K/Galbeed

Maxakamadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa Saakay Xukun Dil ah ku fulisay Siraaji Cabdullahi Cumar oo loo yaqaano Hanad kana mid ahaa Kooxdii Weerartay 12 bishii Maarso Xarunta Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed Ee Baydhabo.

Ninkan ayaa Dil lagu xukumay tariikhda marka ay ahayd 15kii bishii April Ee Sanadkan waxana Lagu helay inuu Weerarkasi isagga uu Hogaaminyay.

Saakay ayaa Lagu toogtay goob Fagaara ah oo ku taalla duleedka Magaaladda Baydhabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor