Ban Ki-moon oo ka digay inay Somalia halaq-mareen ka dhigtaan Jihaadistayaasha

Xoghayaha Guud ee QM, ayaa hadalkaasi ku sheegay Warbixin cusub oo uu u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM, kuna sheegay in colaadaha ka aloosan dalka Yemen inay dhabahi u xaari karaan inay Jihaadistayaasha ka gudbaan Gacanka Cadmeed, una sii dusaan  dalka Somalia.

“Waxaa suurtogal ah in xiisadda dalka Yemen ay deganaansho la’aan ku sii kordhinayso  Gobalka, isla markaana ay jid-fur u tahay inay Dagaalamayaasha Jihaadistayaasha u soo gudbaan gudaha dalka Somalia” ayuu yiri Ban Ki-moon.

Ban Ki-moon waxa uu sheegay in Ammanka Somalia iyo Gobalkaba khatar ugu jiraan cabsida Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi ku daray inay Dagaalamayaasha Alshabaab sii wadaan weeraradda ay ku hayaan magaalladda Muqdisho, Goballadda Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab kordhiyeen dhaqdhaqaaqyadda hawlgalladda ay ka wadaan Maamul-gobaleedka Puntland, isla markaana ay bishii hore  weerareen Jaamacadda Garissa oo lagu dilay 148-qof.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM ayaa lagu wadaa inay maanta Kulan Khaas ah ka yeeshaan  Warbixinta uu Ban Ki-moon ka diyaariyey Xaalladda Somalia iyo Khatarta ka dhalan karta dagaalladda ka socda Yemen.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan  Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa la filayaa inuu isagana khudbad ka jeediyo Shirka Golaha Ammaanka ee QM, wuxuuna shirkaasi kaga qeyb galayaa Nidaamka Muuqaalka  ee  Video Conference.

 

Xigasho:- AP

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor