Maxkamad xukun ku riday Qoys Soomaali lala xiriirinayo Daacish

Xubno ka tirsan Qoys Soomaali ayaa la sheegay in la soo taagay Maxkamad ku taalla London, kuwaasi oo la sheegay inay Barta Bulshadda ee qoyskaasi ee Whatsap Group ku wadaageen Fariimo la sheegay inay ku muujiyeen taageero ay u hayaan Weerarkii ka dhacay deegaanka Westminister ee bartamaha magaalladda London sannadkii 2017-kii.

Haweeney lagu magacaabo Asma Aweys oo 30 jir ah waxaa lagu xukumay 19-bilood, halka walaalkeeda oo lagu magacaabo Axmed Aweys lagu xukumay xabsi 25-bilood ah.
Sidoo kale, Maxkamadda London waxay Saysa Axmed Aweys oo lagu magacaabo C/casiis Abu Munye lagu xukumay xabsi 15 bilood ah.

Qoyskaasi oo xukunka lagu riday bishan Janaayo 25-dii ayaa la sheegay inay soo degsadeen ama dawn-gareysteen Muuqaallo Kooxda Daacish, isla markaana ay isku dhaafsadeen Barta ay Qoyskaasi ku leeyihiin Whatsap Group, waa sida ay Dacwad-oogayaasha ka sheegeen Maxkmaadeyntyooda.

Dhinaca kale, Labo ka mid ah qoyskaasi oo lagu kala magacaabi jirey Weli Aweys iyo Suleymaan Aweys oo la sheegay inay u socdaaleen dalka Syria bilowgii sannadkii 2015-kii ayaa la rumeysan yahay inay ku geeriyoodeen dagaal ka dhacay dalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media