Sheekh Shaakir oo ka digay in Galmudug loo adeegsado Ciidamo ay tababareen laba Dal

Madaxweynaha Galmudug Garabka Ahlusunna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in xaalada Galmudug ay u muuqato in Al-shabaab dib loogu soo beerayo deegaanada maamulkaas, taasina aysan Ahlusunna aqbali doonin.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Sheekh Shaakir ayaa bulshada Galmudug iyo Beesha Caalanka loogu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku guul-dareysatay in loo dhiso Galmudug maamul loo dhan yahay.

Sidoo kale Sheekh Shaakir ayaa dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo  Beesha caalamka ugu yeeray in la dhiso Gole loo dhanyahay oo xil-saaran Federaalnimada, dimoqoraadiyada iyo doorashooyinka Gobolada inta uu dalka helaayo xasilooni siyaasadeed oo degan.

Ugu dambeyntii Sheekh Shaakir ayaa waxaa uu ka digay in Ciidamada ay tababareen Wadamada Marekanka iyo Turkiga loo adeegsado caburinta Shacabka Galmudug  iyo dano siyaasadeed.

 Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Sheekh Shaakir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media