Maxkamad xukun ku riday Haweeney u dhalatay Talyaaniga, oo ku biirtay Kooxda Daacish.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Maria Giulia Sergio oo 29-jir ayaa qaadatay Diinta Islaamka sannadkii 2007-dii, waxayna iyada iyo Ninkeeda u safreen dalka Syria sannadkii 2014-kii.

Odaygeeda oo lagu magacaabo Aldo Kobuzi una dhashay dalka Albaaniya waxaa lagu xukumay 10-sanno, waxaana la rumeysan yahay inay Lamaanaha weli ku sugan yihiin gudaha dalka Syria.

Maxkamaddu waxay kaloo Aabaha gabadhiisa ku xukuntay 4 sanno, kadib, markii lagu soo oogay inuu taageeray Argagixiso.

Bilowgii sannadkan, waxay Maxkamaddu xukun 5-sanno iyo 4 bilood ku xukuntay Walaasheeda, halka Hooyadeedana u geeriyootay Wadno xanuun sannadkii 2015-kii, wax yar kadib markii la xiray.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor