Turkiga oo lagu xiray Waalidka iyo Qaraabadda Ninkii dilay Safiirka Raashiya u joogay dalkaas.

Wakaalladda Wararka Anadolu News Agency ayaa sheegtay inay Boliska xireen 6 qof oo lala xiriirinayo dilkiii Safiirkii dalka Raashiya ee xalay lagu toogtay magaalladda Ankara.

Aabaha iyo Hooyada dhalay  Ninka dilka geystay, Walaashiisa  iyo 2 qof oo ay Qaraabo yihiin ayaa lagu xiray Gobalka Aydin ee Galbeedka Turkiga.

Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga iyo Raashiya oo xalay Telefoonka ku wada hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in juhdi badan la geliyo La-dagaalanka Argagixisadda.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay maanta xireen Saddex Xarun Diplomaasiyadeed oo ku yaalla Turkiga, kadib, markii xalay rasaas laga maqlay meel ku dhow Dhismaha Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Ankara oo aan ka fogeyn halkii xalay lagu dilay Safiirkii Rashiya u joogay Turkiga o ola oran jirey Andrey Karlov.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor