Eedeysane magaciisa lagu sheegay Maxamed Samow Cali ayaa maanta la soo taagay Maxkamadda Sare ee magaalladda Brisbane  ee dalka New Zealand.
Wakaalladda Wararka Australian Associated Press (APP) oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa sheegtay in Eedeysanaha lagu soo oogay dhaawacyo uu u geystay  Haweeney uu la haasaawi jirey uu Maqar ku dhaawacay  bishii September 10-dii ee sannadkii 2015-kii.
Eedeysanaha oo 53-jir ah waxa uu Maxkamadda ka hor qirtay inuu geystay falka uu ku dili lahaa Saaxiibtiisa hore, kadib, markii uu muran dhex maray.
Qareenka u doodayey Eedeysanaha oo lagu magacaabo Ban Power ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in Maxamed Samow Cali haysato dhibaato dhinaca Maskaxda, isla markaana uu ku xirnaa Xabsiga in ka badan 700 oo maalmood.
Dhinaca kale, Garsoore Roslyn Atkinson oo madax ka ah Xeer-beegtida Kiiskaasi ayaa ku dhawaaqday in Eedeysane Maxamed Samow Cali lagu xukumay Xabsi 10-sanno ah.