Shacabka Muqdisho ayaa saaka kusoo toosay xirnaashaha waddooyinka ugu Muhiimsan Caasimadda, waxaana xiran waddooyinka ugu waa weyn Magaalada muqdisho ee ay sida joogtada ah u isticmaalaan Bulshadu.
Sababta rasmiga ah ee ka danbeysa in la xiro waddooyinka Muqdisho ayaa lagu sheegay in Maanta ay Magaalada kusoo wajahan yihiin Madaxda maamul Goboleedyada Jubbland iyo Puntland.
Shacabka ayaa la arkayaa iyaga oo waddooyinka lugeynanaya, waxaana Gawaarida loo diiday in ay isticmaalaan waddooyinka Magaalada, jidadka xaafadaha ayay isticmaalayaan Gawaarida dad weynaha, waxaa jirta in mararka qaar loo diidayo xaafadaha qaar in ay Gawaaridu maraan taas oo wadayaasha gaadiidka kala duwan ay ka xumaadeen.
Arrintan shacabka Muqdisho ku noqotay la yaab kadib markii saaka ay kusoo tooseen waddooyinka oo xiran iyo Ciidamo farabadan oo waddooyinka lagu soo daadiyay.
Waxaana dadka shacabka ah ee waddooyinka laga xiray ay ka xumaadeen waddooyinka ugu muhiimsan isku socodka dadka magaalada loo xiro labo madaxweyne maamul Goboleed.
Madaxweyne Siciid Cabdulalahi deni iyo Madaxweyne Axmed madoobe ayaa saacadaha soo socda soo gaari doona Muqdisho, waxaana socda diyaar garowgii ugu danbeeyay ee lagu soo dhaweynayo.