Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray Cutubyo katirsan Ciidamada Darawiishta Maamulka Jubaland.
Ciidamadan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qaybqaadanaya Howlgalada ka dhanka ah dagaalamayasha Al-Shabaab oo ay wadaan Ciidamada Darawiishta Jubaland.
Madaxweynaha ayaa sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka xorta ah sidoo kalana ay Ciidamadan qaadi doonan howlgal ka dhan ah deegaanada ay Al-shabaab ku sugan yihiin iyagoo kaashanaya dadka Shacabka ah si ay u qabsadan degaanada ay Shabaab ka maamulaan jubbaland.