Waxaa sacadaha soo socda la filayaa in Muqdisho ay soo gaaraan Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Puntland, iyagoo la kulmi doona Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi framaajo.
Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ayaa Maanta soo gaari doona Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Wararku waxaa ay sheegayan uu socdo diyaar garowgii ugu danbeeyay ee lagu soo dhaweeynayo madaxda, iyadoo ammaanka guud si weyn loo adkeeyay, waxaana horay usoo gaaray Muqdisho wafdiyo horudhac u ah mas’uuliyiinta Jubbaland iyo Puntland.
Maadxweyanaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa shalay ka baaqday safarkiisii uu ku imaan lahaa Muqdisho, waxaana Qorshuhu ahaa in uu shalay uu yimaado Caasiamdda si shirku u furmo.
Ammaanka caasimadda ayaa saaka la adkeeyay waxana dhammaan xiran wadooyinka ugu muhimsan Magaalada, waxaana la shegay in ay la xariirto xirnaashaha waddooyinka imaanshaha Madaxda Jubbalalnd iyo Puntland oo saacadaha soo aaddan Muqdisho kusoo wajahan.