Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Deni iyo Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladd gobaleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku yimi Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend waxay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka Argagixisada,iyo wada shaqaynyta Taliska Africom iyo Dowladd gobaleedka Puntland.

Shalay ayay aheyd markii Taliyaha ciidamada Maraykanka ee qaaradda Africa ee Africom Gen. Stephen J.Townsend uu booqasho ku tegay magaalada Kismaayo isaga oo kulan lasoo qaatay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ay ka wadahadleen arrimo la xiriirag dagaalka Alshabaab iyo wadashaqeynta Africom iyo Jubbalamd.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media