Garyaqaan Guuleed Dafac “Eray bixinta ay xaqa u leedahay hadii aanu isticmaalayn MD Farmaajo ha iska haysto Cudurdaarkiisa”

Xili maanta Madaxweyne Maxamed Cabdi Farmaajo khudbad uu ka jeediyay shirka golaha garsoorka ee ka socday magaalada Muqdisho waxa uu cudur-daar iyo raaligelin ka bixiyay dhibaatadii loo geystey shacabka ku nool gobolada Waqoyi ee dalka taasi oo ay geysatay dowladdii hore ee Kacaanka ee uu hogaaminayay Maxamed Siyad Barre.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay arrinta gobolada Waqooyi waxaana uu cafis weydiistey shacabka ku nool Somaliland isagoo xusay in dhibaatadii ka dhacday gobolada Waqoyi ay ahayd mid ay ka dambeysay nidaam dowli ah oo aysan ahayn Koofur oo ku duushay Waqooyi.

Dhinaca kalana waxaa arrintaas ka dhashay falcelin aad u badan iyada oo baraha bulshada iyo fadhi ku dirirada lagu falanqeynayo tallaabada uu cafiska ku dalbaday Farmaajo iyo sida ay ku cuntami karto.

Garyaqaan Guuleed Dafac oo arrintaan ka hadlay ayaa dhaliilay habka uu madaxweynuhu raagelinta uu uga bixiyay dhibaatadii ay geysatay dowladdii Kacaanka ee Siyaad Barre.

Hadal kooban oo uu soo daabacay ayuu uva hadlay go’aankaan waxaana uu yiri” Garyaqaan Guuleed Dafac”

‘Wixii dhacay dhib ma ahayn. Erey bixinta ay xaqa u leedahay hadii aanu isticmaalayn, Farmaajo ha iska haysto “cudurdaarkiisa.” Apology is not accepted. Marka hore ha qiro inay dembi dagaal iyo dembiyo aadantinimada ka soo horjeeda ahayd. Kadib ha abuuro maxkamad la saaro kuwii dembiyada galay. Dawladiisa ha ka eryo kuwa dembiyada galay. Kadib raaligelin ha soo codsado. Sidaas waxa qaba Garyaqaan Guuleed Dafac.

Hadalka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sooo beegmaya xilli magaalada Adis-abab ee caasimadda dalka Itoobiya ay kulan ku yeesheen dhawaan madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo kaas oo ay albaabadu u xirnaayeen si faahfaahsana aysan Weli Warbaahinta ula wadaagin wixii looga hadlay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media