Sawirro:-Ciidamadii ugu horeeyay ee Daraawiish ah oo Maanta Tababar loogu soo xiray Muqdisho

300 oo Askari oo iskugu jira Saraakiil iyo ku xigeeno ahna dufcaddii 1-aad ee Ciidanka Daraawiishta Soomaliya ayaa Maanta loo soo xiray tababar muddo socday.

Munaasabadda tabarka loogu soo xirayay ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Xildhibaanno, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga, Saraakiil ka tirsan AMISOM,UNKA, Masar.

Taliye xigeenka hoggaanka iyo tabararrada Ciidanka Booliiska Soomaliyeed, Maxamuud Maxamed Garaar ayaa sheegay in Ciidankaan la baray Carasho ku saabsan ka hortagga weerarada Al-Shabaab.

Xildhibaan; Zikiriye Xaaji Ismaanciil oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Taliska Booliiska ku bogaadiyay dedaallada ku aaddan tayaynta Ciidanka iyo sida ay ugu heellan yihiin la dagaallanka Alshabaab.

Taliyaha Ciidanka Soomaliyeed sareeye Gaas; Cabdi Xasan Maxamed ayaa sheegay inay xoogga saarayaan dhismaha Ciidan Qaran oo hanta ammaanka Dalka iyo jiritaanka Qaranka Soomaliyeed.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media