Axmed Madoobe oo shaaciyey sababtii ay u diideen Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo

Wafdigan oo ka kooban toban Xubnood oo ka tirsan Aqalka sare ayaa la kulmay Madaxweynaha Dowald Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe, Labadiisa kuxigeen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Wasiiro iyo Xildhibaano.

Guddigan oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa ujeedadoodu waxay tahay xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe oo kulanka ka hadlay ayaa kaga mahad celiyay Guddiga ka socda Aqalka sare Dadaalka uu Golaha iskugu xilqaamay inay Guddiyo u kala diraan dhamaan Maamul Gobaleedyada si ay ugu kuur galaan Xaalada ka dhex taagan Dowlada Dhexe iyo Maamulada hoostaga, waxaana kulanka uu kusoo dhamaaday guul iyo is afgarad.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay Sababtii uu ku baaqday Shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaalia, Qaabka uu u xumaaday ammaanka Caasimadda Dalka, Gacanta Sadexaad ee loo baahanyahay in ay soo dhaxgasho labada dhanac cida ay noqotaba.

Aqalka Sare oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor